Safiirka Denmar ee Soomaaliya oo ka hadlay warar la isla dhexmarayay

Muqdisho (RH)-Safiirka Denmark ee Soomaaliya ayaa caddeeyay in uu aqoonsan yahay madaxbannaanimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya oo ay qeyb ka tahay Somaliland.

Hadalka Safiirka ayaa ah mid uu uga garaabayo dhaliil ka dhalatay war uu dhawaan ka sheegay magaalada Hargeysa, xilli uu ka qaybgalayay doorashada Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor Safiirka Denmark ugu yeertay kulan si ay wax uga weydiiso hadal uu sheegay oo ay ku tilmaantay mid ka soo horjeeda mabaadii’da guud ee dhowrista madaxbannaanimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya.

Qoraalka ayuu safiirka soo daabacay

Safiirka Denmark ee Soomaaliya ayaa caddeeyay in uu aqoonsan yahay

 

Category