RH: Waxaa lasoo sheegay in haweeney 27 jir ah oo dhalasho ahaan Soomaali ah ay Denmark kusoo laabatay habeenimadii Khamiista. Haweeneydan oo Denmark ku dhalatay ayaa waxay u guurtay UK iyada oo shan sano jir ah halkaasna ku noolayd illaa ay kasoo tagtay 2014 si ay ugu biirto kooxdii ISIS ee Suuriya. Waxay guursatay nin ka tirsan ISIS. Dowladda Denmark ayaa dhalashadeedii kala noqotay. Wiilkeeda yar oo ay isla joogeen xeryaha Suuriya ayaa horay loogu soo bandhigay in Denmark loo soo qaado isaga oo aan hooyadiis la socon.
-
Haddase, Maxkamadda Sare ee Denmark ayaa go’aamisay inaysan waafaqsanayn xuquuqda aadanaha in la soo qaado wiilka oo aan hooyadiis la socon. Go’aankan ayaa kasoo horjeeda go’aamadii hore ee maxkamadaha hoose iyo kuwa racfaanka.
-
Shanta garsoore ee Maxkamadda Sare ayaa go’aankan ku kala qeybsamay. Saddex garsoore waxay taageereen codsiga wiilka iyo hooyadiis ee ay kaga cabanayeen dowladda, halka hal garsoore uu doonayay in arrinta dib loogu celiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, mid kalena uu raacay go’aamadii hore ee maxkamadaha hoose.
-
Wiilka oo hadda siddeed sano jir ah ayaa sanadkii hore waxaa baaritaan caafimaad u sameeyay dhaqaatiirta Wasaaradda Caafimaadka, kuwaas oo ku taliyay in ay muhiim tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo qaado wiilka xaaladdiisa caafimaad awgeed.
-
Sababaha horay loogu diiday in la soo qaado hooyada waxaa kamid ahaa xiriirka yar ee ay la leedahay Denmark iyo qiimeyn dhanka amniga ah oo lagu sameeyay.
Haweeneydan ayaa haysata sidoo kale dhalashada wadanka Soomaaliya .
Tarjumaada. Mohamed-Amin