Hargeysa(RH):-Golaha Guurtida Somaliland ayaa warbixino ka dhageystay guddi hoosaadyada siyaasadda arrimaha dibadda iyo arrimaha bulshada ee golahaasi.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH):-Shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa maalintiisii labaad galay, waxana ay ergadu cod ku dooratay shanta xubnood ee xisbiga hoggaamin doonta shanta sanno ee soo socota.
Berbera(RH):-Maareeyaha Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Magaaladda Berbera Xasan Ibraahin Embasi ayaa sheegay inuu hoos u dhici doono maalmaha soo socda qiimaha Shiidaalku kadib markii uu duleedka Magaaladda Berbera ku soo xidhay Markab weyn oo sida ilaa 14 Kun oo tan oo shiidaalka Naafatada ah.
Maareeyaha Kaydka Hamaaha shiidaalka oo uu weheliyo Maareeyaha Dekedaha somaliland ayaa hadalkan ka sheegay kadib markii uu maanta booqday Markabkaas .
Sheikh(RH):-Gaadhi weyn oo nooca Xamuulka qaada ah, ayaa ku dhacay Dawga Buurta Sheikh ee ay marto wadada isku xidha Berbera iyo Burco, kaasoo ku qalibmay laamiga badhtamaha Buurta, meel loo yaqaano Xero daayeer oo figta Dawga ku beegan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Sheikh.
Hargeysa(RH):-Wafti Wasirro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dalka Itoobiya, Axmed Shide ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waftiga ayaa waxaa Madaarka Caalamiga ah ee cigaal kusoo dhaweeyey xubno ka mid ah golaha wasiiradda waxana loo sii gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Somaliland, iyaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda sarre ee Xukuumadda, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi .
Hargeysa(RH):-Guddida joogtada ah ee Golaha wakiiladda Somaliland ayaa maanta soo jeediyey in xasaanada laga qaado gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe
Hargeysa(RH)Waxaa Maanta guud ahaan Deegaanada Somaliland Si rasmi ah uga bilaamay imtixaankii shahaadiga ahaa Ee Fasalada 12aad Ee Dugsiyada Sare ee Somaliland Waxaana Imtixaankaasi Saaka u Fadhiistey 11,000 oo arday .
Waxaanu ka bilaabmay Imtixaanku Laba boqol oo goobood oo ah gobolada Somaliland oo dhan isla markaasina waxaa uu Socon-doonaa maanta oo kaliya waxaana laga qaadayaa Ardayda 10 Maaddo Xanuunka COVID’19 awgii.
Hargeysa(RH):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay in 7 qof oo cusub laga helay xannuunka Covid-19, 24-kii saacdood ee u danbeeyay.
Dad tiradoodu tahay 102 qof ayaa baadhitaanka lagu sameeyay 24-kii saacadood ee u daneeyay, halka cudurka laga helay 7-qof, kuwaas oo kooban 6 rag ah iyo qof dumar ah, waxay afar qof oo dadkaas ka mid ahi ku nool yihiin magaaladda Hargeysa, halka 3-sadexda kalena ay ku noolyihiin Magaaladda Boorama.
Berbera(RH):-Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa maanta kormeer shaqo ku soo maray 3-da Maxjar ee Caafimaadinta xoolaha ee Ku yaala magaaladda Berbera.
Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa maanta Dalka Jamhuuriyada Jabuuti Uga Mahadnaqday Gogoshii ay u Fidisay shirkii Wada-hadlada Somaliland iyo Soomaliya ee Maalintii shalay furmay Waddanka Jabuuti.
Sidaasina waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo Baxay Wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga Ah ee Somaliland Waxaanu u dhignaa sidan:-
Pagination
- Previous page
- Page 10
- Next page