Hargeysa(RH):-Mudanayaasha Golaha Guurtida JSl ayaa maanta ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lambar 31/2020, oo kaabis iyo wax kabedel ay ku sameyeen mudanayaasha Golahaasi.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH):-Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa shaaciyey in ciyaartoy Somaliland ka socdaa ay ka qaybgalidoonaan Tartan caalami ah oo lagu qaban doono dalka Jabouti.
Hargeysa(RH):-Warbixin ay soo saareen Komishanka Xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday Kiisas xukun laga soo saaray, oo racfaan laga qaatay, balse qofkii xukunka koowaad lagu riday oo dhamaystay muddadii lagu xukumay intii aan la guddo gelin rafcaankii uu ka qaatay xukunkiisa.
Qayb ka mid ah warbixintan ay soo saareen Komishanka Xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland oo ay kaga hadleen Xuquuqda Rafcaanka iyo Dib u Dhaca Dacwadaha, ayaa waxa lagu yidhi
Hargeysa(RH):-Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya, Md. Baashe Cawil Cumar, ayaa ka qaygalay shir ay soo qaban qaabisay Waaxda ganacsiga ee dalkaasi oo ay iskugu yimaadeen Dawladda Ingiriiska iyo Ganacsatada Afrikaanka ah, si la isula falanqeeyo fursadaha maalgashi ee Qaaradda Afrika.
Hargeysa(RH):-Fadhigii 70aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagu lafo-guray arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo degaanka ee dalka ku soo fool leh.
Hargeysa(RH):-Kulan ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland iyo Bangiga Dhexe ayaa laga soo saaray go’aamo lagu sugayo is la markaana lagu xakamaynayo xisaabaha uga furan Hay’addaha Dawladda Bangiyada Gaarka loo leeyahay ee Dalka.
Berbera(RH):-Laba Carruur ah oo Walaala, ayaa ku dhintay Duleedka Galbeed ee Magaalada Berbera ee gobolka saaxil, ka dib markii ay Miino ku qaraxday. Waxaana ka warbixiyey sida wax u dheceen Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska gobolka Saaxil Gaashaanle, Cabdi Cali Xayd.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi, Mudane Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Kiiniya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen madaxweynaha dalkaas Mr. Uhuru Kenyatta.
Nairobi(RH):-Caasimada dalka Kenya ee Nairobi waxaa ka qabsoomay kulan balaadhan oo ay wada jir u soo agaasimeen Wasaaradda Maalgashiga Somaliland iyo Safaaradda Somaliland ee Dalka Kenya.
Pagination
- Previous page
- Page 8
- Next page