Cabdiraxmaan Maxamed Cirro oo rasmi ugu guuleystay doorashadii Somaliland

Hargeysa (RH)-Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cigaal (Cirro) ayaa ku guulaystay marka la eego natiijada ku meel-gaarka ah ee doorashadii 13kii bishan ka dhacday Somaliland, sidaas waxaa sheegay Guddiga doorashooyinka qaranka.

Guddoomiyaha guddigaas oo saaka shir jaraa'id ku qabtey xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu ku guulaystay codadka ugu badan oo gaaraya boqolkiiba 63.92 cod.

Halka madaxweynaha hadda xilka haya ee Muuse Biixi oo u sharraxnaa xisbiga Kulmiye uu helay codad gaaraya 34.81 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.iyo Faysal Cali Waraabe oo isna u sharraxnaa xisbiga UCID uu helay codadkii la dhiibtay 0.74 boqolkiiba.

Dhanka dhibcana ay kala haleen markaan eegno sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Somaliland musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani waxaa uu ku guulaystay codadka ugu badan oo gaaraya boqolkiiba 63.92 cod.

Xisbiga Kulmiya musharraxna uu u ahaa madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi ayaa helay codad gaaraya 34.81 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Doorashadan ayaa waxay ahayd mid si wayn loogu tartamay islamarkana waxyaabo badan kaga duwanayd doorashooyinkii ka horreeyay.

Waxa doorashada ay u dhexeysay saddex xisbi siyaasadeed iyo 10 urur siyaasadeed.

Guddiga doorashada ayaa u mahadceliyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo dhammaan masuuliyiinta dowladda oo guddiga u madax banneeyay in doorashada ay iyagu maamullaan oo aan lagu sameyn wax faragalin ah.

Dhinaca kale, madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in aanay jiri doonin wax dabaal-deg ah mamadama wali taalo gogosha tacsida ee madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo shalay lagu aasay magaalada Hargeysa.

Cirro ayaa noqon doona madaxweynihii lixaad ee Somaliland.

Doorashadan ayaa waxaa isku diiwangaliyay in ka badan milyan iyo laba boqol oo kun waxa codkooda dhiibtay in ka badan lix boqol oo kun.

Radio Hormuud

Studio 3

Hageysa-Somaliland

Category