Muddo labo sano ah ayaa laga joogaa markii dhalinyaro Soomaali ah tababar ciidanimo loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo waaliddiinta dhalay ay marar badan ka muujiyeen walaac halka ay dhab ahaan carruurtoodu ku sugan yihiin.
Mar ay warbaahinta la hadleen ayaa waxay sheegeen in la jaray xiriirkii kala dhexeeyay iyaga iyo carruurtooda oo ay doonayaan in loo soo celiyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa u xilsaartay guddi dabagal ku sameeya dhalinyaradaas loo waday tababarka ciidan, balse ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin guddiga.
Dhowaan waxaa soo baxay warar aad la isula dhex marayay oo sheegayay in qaar ka mid ciidamadii Eritrea loo qaaday dalka dib loogu soo celiyay, balse illaa hadda ma jiro cid dowladda ka tirsan oo si rasmi ah uga hadashay amaba cid halkaasi laga soo celiyay oo la arkay.
BBC-da ayaa la hadashay qaar ka mid ah waaliddiinta ay carruurtooda uga maqan yihiin Eritrea. Waaliddiinta ayaa sababo ammaan dartood waxay codsadeen inaan qarinno magacyada wiilashooda.
"Indho arkay aniga ayaa ugu dambeeyay, iridda ayuu ka baxay waxaan u maleynayay inuu soo weyseysanayo, maalintii oo dhan telefoonkiisaa wacayay waxaan is iri cunuggii xagguu aaday, markaan kuwii ka yaryaraa weydiiyay waxay dhaheen hooyo telefoonkiisa wuu dansan yahay. Waan iska jiifannay, subixii ayaan weydiiyay walaalkii ku xigay, wuxuu igu yiri hooyo wuu isoo wacay Afgooye ayaan joogaa ee hooyo u sheeg ayuu yiri,"
"Nambarka isii ayaan iri, nambarkiisa ayaan wacay waxaana iga qabtay nin igu yiri wiilkan wuu qoran yahay, xaggee ayuu ka qoran yahay? ayaan weydiiyay, wuxuu igu yiri Xero Shirbow imow. Walaalkiis ka weyn iyo aabbihiis ayaa xerada tegay, waxaana lagu yiri wiilkaaga saaka aroortii ayaa la qaaday,"
Waa Ardo Salaad Xasan oo ka mid ah waaliddiinta la hadlay BBC-da. Wiilkeeda oo ahaa 16 jir dhiganayay dugsiga dhexe ayaa ka mid ah dhalinyarada Eritrea loogu waday tababarka ciidannimo, waxayna sheegtay inay ugu war dambeysay goor subax ah oo ay Salaadda Subax u kicisay.
Qoraalka codka
Soomaaliya iyo Eritrea: Ma qarda-jeex baa in warqad loo diro madaxweyne Farmaajo?
"Ilmaha marka ay habartood hadasho, ama mudaaharaadyada oo kale qofka la aqoonsado ama wiilkeeda sheegta magaciisa ama ayadaba la ogaado waa la tixraacayaa, dabadeedna ilmihii ayaa loogu hanjabayaa, ragga la jooga ama saraakiisha meesha ku ilaashada ayaa u hanjabaya, intay taleefanka u dhiibaan ayay leeyihiin habartaa la hadal, yeysan mar dambe dowladda dhaleeceyn," waxaa sidaas BBC-da u sheegtay Caasha Cabdi oo ka mid ah waaliddiinta.
Maxamed Feyley, wuxuu ka tirsanaa askartii Dowladdii Kacaanka sanadihii 1970-meeyadii, waxaana ka maqan wiilkiisa oo 20 jir ah, oo markaas uun dhammeeyay dugsiga sare. Maxamed wuxuu qorsheynayay inuu wiilkiisa ka diwaangeliyo jaamacadda, kahor inta aan loo qaadin Eritrea, waxaana tuhun weyn gelisay sababta ay dowladda uga qarisay in wiilkiisa la diwaangeliyay. "Waxaan is weydiiyay ciidamo cawo madow la qorayo, ciidamo la qarinayo, ciidamo iyaga iyo waalidkood xiriirkooda la kala gooyay oo aysan is arkeyn, ciidamo la leeyahay qaran ayaa loo qoray, shaki ayaa i galay, lama qariyo rigo ayaa laga qoraa," ayuu yiri.
Bishii November ee sanadkii hore markii uu dagaal ka qarxay gobolka Tigray ee Itoobiya, waxaa soo baxay war la isla dhex marayay oo aad u baahay kaas oo ku saabsan in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eritrea ay qeyb ka ahaayeen dagaalka.
Hase yeeshee, bishii June ee sanadkan warbixin ka soo baxday Hay'adda Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig militari oo ku yaalla Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkaas.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay soo gaareen warar sheegaya in ciidamada Soomaaliya lagu arkay magaalada qaddiimiga ah ee Aksum ee Tigray iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Eritrea.
"Waxaan helnay macluumaad iyo warar ku saabsn in ciidamada Soomaaliya laga soo daabulay saldhig militari oo ay tababar ku qaateen oo ku yaalla Eritrea si ay ugu biiraan dagaalka Tigray, waxaana la socday ciidamo Eritrea ah."
Waxay hay'adda intaas ku dartay: "Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo Soomaali ah lagu arkay magaalada Aksum".
Warkaas kaddib waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo lagu dalbanayo in la soo celiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee la sheegay in dagaalka laga qeyb geliyay. Waxaa dibadbaxa ka qeyb qaatay waaliddiin ay carruurtooda uga maqan yihiin Eritrea, waxayna sheegeen in ciidamaddu ay dhibaatooyin u geysteen dadkii dibadbaxayay.
"Halkaas dhabarka hadda waxaa iiga yaalla haraati ay iiga dhufteen oo aan ka foorarsan kari waayay oo aan ka shaqeysan kari waayay, madaxa waxay iiga sii daayeen qori baadkiisa, wuu igu soo kacaa habeenkii." Ayay tiri Arda Salaad.
"Liif baanalala dhacay, waa nala cayrsaday, xabbadaa nalagu furay, nafteydii ayaa halis gashay." Ayuu yiri Maxamed Feyley.
"Sayidka ayaa nalagu uleeyay, oo intaan tagnay bud iyo liif iyo waxaa nalaga badiyay xabba caadi ah oo afgelis ah," ayay tiri Caasha Cabdi.
Waxaanu la xiriirnay Madaxtooyada Soomaaliya si aan wax uga weydiinno halka ay ku dambeeyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ciidannimada loogu qaaday Eritrea, balse way ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan. Waxaan sidoo kale la xiriirnay guddiga uu Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya u saaray dabagalka halka ay ku dambeeyeen dhalinyaradan, balse dhammaantood way ka gaabsadeen.
Sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, waaliddiinta dhalinyaradan ayaa isku dayayay inay xog ka helaan carruurtooda, qaarkoodna waxay sheegeen inay ku dhaceen xanuunno uu sababay walwalka. "Ma seexdo, waxaa igu dhacay dhiigkar aan hore u qabi jirin, habeenkii ma seexdo maalintii saas ayaan u wareegaa, saan u leeyahay meeshan tag oo war ka so raadi qof amuu war kuu sheegaa." Ayay tiri Caasha.
xigasho BBC