Wax ka ogow nolosha iyo aqoonta Xasan Sheekh iyo madaxweyneyaashii dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay saacadihii ugu dambeeyay ee habeenkii Talaadada in uu shahaadada ugu sarreysa ee waxbarashada jaamacadda ee PhD ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey.

Waxa uu daraaseeyay culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka. Waxa ay tan ka dhigan tahay in uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee qaata Ph.D, waxaana hadda kaddib loogu yeeri doonaa Dr Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba, halkan ka akhriso noloshii iyo waxbarashadii madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya.

Aadan Cabdulle Cusmaan

Aadan Cabdulle Cismaan Daar ‘Aadan Cadde’ oo ku dhashay tuulada Ceelqurun oo u dhow deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan, waxa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxa uu ahaa madi lagu qiyaasay in uu dhashay xilli ku beegan 1908-dii.

Ma helin waxbarashada aas-aasiga ah oo dhammaystiran, laakiin waxbarashada hoose iyo dhexe ayuu ku qaatay dugsi uu Talyaanigu ku lahaa Baydhabo, isla halkaas ayuu Qur’aanka ku bartay.

Waxa uu waxbarashada aasaasiga ah uga haray fasalka shanaad oo ahaa halka ugu sarreysa ee gumeystaha Talyaanigu uu u oggolaa in qof Soomaali ah uu waxbarashada ka gaaro.

Sida uu BBC-da u sheegay wiilkiisa Cabdulkaadir Aadan Cadde, waxa uu madaxweynuhu intaa kaddib tababar kalyaaliyennimo ku qaatay Isbitaalka Talyaaniga ee De Martino, isaga oo markii dambe noqday madaxa kalkaaliyeyaasha ee isbitaalka.

Aadan Cadde oo sidoo kale noqday guddoomiyaha Xisbiga Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed oo xilligaa ahaa kan ugu ballaaran, uguna saameynta weyn dhulka Soomaalida, iyo guddoomiyihii ugu horreeyay ee baarlamaan Soomaaliyeed, waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa qof isaga wax isbaray, oo ku xeeldheeraa akhriska iyo qoraalka.

Waa madaxweynaha keliya ee laga hayo diiwaan dhammeystiran oo maalinle ah, kaas oo uu ku keydiyay dhammaan dhacdooyinka iyo waxyaabaha kale ee maalinlaha ah ee soo maray intii uu xilka hayay.

Diiwaankan waa kan ugu weyn ee ay soo xigtaan taariikhyahannada daraaseeya Soomaaliya.

Kahor inta uusan madaxweyne noqon, waxa uu wax ku qori jiray Wargeys Talyaaniga kasoo baxa oo la oran jiray Il Popolo.

Maxamed Xaaji Ingiriis oo taariikhda ka dhiga Jaamacadda Kings College waxa uu ku tilmaamay Aadan Cadde madaxweynihii ugu aqoonta badnaa dhammaan madaxweyneyaashii Soomaaliya. Waxa uu ku hadli jiray Talyaani, Ingiriis iyo Carabi.

Cabdirashiid Cali Sharmaake

Cabdirashiid Cali Sharmaake waxa uu ahaa raysul wasaarihii iyo madaxweynihii labaad ee Soomaaliya. Waxaa xilalkaas uga horreeyay Cabdullaahi Ciise, iyo Aadan Cadde oo uu raysul wasaare u ahaa. Waxa uu ku dhashay qiyaastii 1919-kii magaalo-xeebeedka Xarardheere, oo ay hadda haysato kooxda Al-Shabaab. Wuxuu ku barbaaray magaalada Muqdisho oo uu ku qaatay waxbarashada Qur’aanka iyo tan dugsiga hoose iyo dhexe.

Cabdirashiid oo ahaa raysul wasaaraha Soomaaliya intii u dhexeysay 1960- kii ilaa 1964-kii, waxaa la weriyay in uu dugsiga sare dhameeyay 1953-kii isaga oo shaqaale rayid ah, isaga oo sidoo kale Muqdisho ku qaatay labo sano oo koleejka dhaqaalaha iyo siyaasadda ah. Kaddib ayuu Talyaaniga ka helay deeq waxbarasho Jaamacadeed ah isaga oo cilmiga siyaasadda ka bartay jaamacadda Sapienza University of Rome. Waxa uu ka qaatay shahaadada koowaad ee Jaamacadda.

Cabdirashiid oo karaani ka ahaa degmada Isku-Shuban 1948-kii, sida uu buuggiisa ‘A tear for Somalia’ ku sheegay ninkii madaxda ka ahaa maamulka gumeystaha Ingiriiska ee degmadaas, waxaa lagu sheegaa in uu ahaa nin ku xeeldheer afka Talyaaniga, isaga oo xiiseyn jiray buugaagta sheeko xariirooyinka.

Cabdirashiid oo ah aabbaha siyaasiga keliya ee labo jeer raysul wasaare ka noqday Soomaaliya ma uusan dhammeysan muddo-xileedka madaxweynennimo ee loo doortay Luulyo 1967-kii. Waxaa lagu dilay magaalada Laascaanood bishii Oktoobar 1969-kii – maalmo uun kahor inta aysan xukunka la wareegin askartii markii dambe la baxday Kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Siyaad Barre

Jaalle Maxamed Siyaad Barre, hoggaamiyihii kacaanka askarta ee xukunka afgembiga kula wareegay 1969-kii waxaa lagu qiyaasaa in uu dhashay 1910-kii. Siyaabo kala duwan ayaa loo tebiyay halka uu ku dhashay. Mid ka mid ah werintu waa in uu ku dhashay degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.

Si la mid ah madaxda ka horreysay qaar, waxaa la rumeysan yahay in hoggaamiyaha muddada dheer xukumayay Soomaaliya uusan gelin waxbarasho aasaasi ah oo dhammaystiran. Laakiin, waxa uu ahaa sarkaal ciidan oo leh waayo-aragnimo, tababar iyo aqoon sare oo dhanka ciidanka ah. Waxaa uu tababar sarkaalnimo oo labo sano ah ku qaatay koleej ciidan oo ku yaalla Talyaaniga.

Jaalle Siyaad oo si wanaagsan ugu hadli jiray Talyaaniga iyo Ingiriiska waxaa lagu xusuustaa oo cilmi-baareyaashuna ay soo xigtaan khudbaddii uu jeediyay labadii sano ee ugu horreysay xukunkiisa.

Wasaaradda Warfaafinta ee dowladdii Kacaanka ayaa khudbadaha Jaalle Siyaad u rogay labo buug oo la kala daabacay 1970-kii iyo 1971-kii. Waxaa loo bixiyay labadaas buug ‘Dadkeyga iyo Dalkeyga’ iyada oo Ingiriis iyo Soomaali lagu qoray. Oraahyada aadka loo xigto ee Maxamed Siyaad Barre waxaa ka mid ah: ‘Haddii dadka Soomaaliyeed ay naar galaan, waxaa naarta geysay qabyaalad’.

Sarreeya Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madi, agoon iyo rajay ah oo ay labadiisa waalidba geeriyoodeen isaga oo yar waxa uu ku geeriyooday waddanka Nigeria 1995-kii, kaddib 21 sano oo uu xukumayay Soomaaliya.

Cali Mahdi Maxamed

Waa madaxweyne lagu muransan yahay oo la caleemo-saaray wax yar kaddib markii jabhadihii hubeysnaa ay Muqdisho ka saareen dowladdii Kacaanka.

Waxa uu ku dhashay Jowhar qiyaastii 1939-kii. Wuxuu ahaa ganacsade iyo siyaasi saameyn weyn lahaa, oo horraantii lixdameeyadii la shaqeeyay waaxda caafimaadka Jowhar. Kaddib xildhibaannimo ayuu u tartamay, wuuna ku guuleystay isaga oo xubin ka noqday baarlamaankii ay askartu afgembiyeen.

Cali Mahdi oo si wanaagsan ugu hadli jiray Talyaani iyo Ingiriis waxa uu fayraska Covid-19 ugu geeriyooday magaalada Nayroobi bishii Maarso, 2021.

Nooma suurtagelin in aan wax badan ka ogaanno waxbarashadiisii.

Cabdiqaasim Salaad Xasan

Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowladdii KMG ahayd ee dhismaheedu uu ka billowday Jabuuti 2000. Waxa uu ku dhashay magaalada Dhuusamarreeb qiyaastii 1941-kii, halkaas oo la rumeysan yahay in uu ku qaatay waxbarashada Qur’aanka iyo tan hoose, dhexe iyo sare.

Waxaa dhalay hoggaamiye qabiil oo caan ka ahaa dhulkaas, kaas oo markii horena ka mid ahaa taliyeyaashii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee askartii Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa ciidamadii gumeystaha Talyaaniga.

Cabdiqaasim oo noqday wasiirka warfaafinta iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladdii Kacaanka, waxa uu waxbarasho jaamacadeed u aaday Ruushka horraantii lixdankii, isaga oo bartay dhaqaalaha beeraha. Cabdiqaasim oo la doortay dhammaadkii 2000, xilkana hayay ilaa dhammaadkii sanadkii 2004, waxa uu si wanaagsan ugu hadlaa Carabiga iyo Ingiriiska. Waxa uu hadda deggan yahay Masar.

Korneel Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Waa Madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ee lagu dhisay Kenya, ahna madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland. Waxaa la diiwaangeliyay in uu dhashay 1934-kii, kuna dhashay magaalada Gaalkacyo.

Si la mid ah dadkii ku da’da ahaa, Korneel Cabdullaahi Yuusuf ma helin waxbarasho aasaasi ah, laakiin, tababar militari oo labo sano ah ayuu ku qaatay koleej ciidan oo Ruushka ku yaalla. Sidoo kale, waxaa la sheegay in uu tababar kale oo sarkaal ciidan ah oo dhowr sano ah ku qaatay Talyaaniga.

Cabdullaahi oo dhisay jabhaddii ugu horreysay ee la dagaallanta dowladdii Kacaanka waxa uu shan sano oo xabsi ah ku qaatay Itoobiya, halkaas oo saldhig u ahayd jabhaddiisa. Waxaa xariggaas ka horreeyay mid ay dowladdii Kacaanka ku xirtay isaga iyo Jeneraal Caydiid.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo xilka hayay intii u dhexeysay dhammaadkii 2004-tii ilaa dhammaadkii 2008dii waxa uu bishii Maarso sanadkii 2012 ku geeriyooday Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Shariif Sheekh Axmed

Shariif Sheekh Axmed waa guddoomiyihii hore ee maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladdii ballaarnayd ee lagu dhisay Jabuuti 2009-kii.

Waxa uu ku dhashay degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1964-kii. Waxaa la sheegay in isagoo da’yar ayuu xafiday Quraanka. isla deegaankaas ayuu ku bartay Qur’aanka, diinta Islaamka iyo Carabiga, waxbarashadiisii aasaasiga ahaydna uu ku soo qaatay.

Bartamihii sagaashamaadkii ayuu waxbarashada Jaamacadeed u aaday Sudan iyo Libya halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee cilmiga Shareecada Islaamka iyo Qaanuunka.

Sheekh Shariif oo xilka hayay Ilaa dhamaadka 2012-kii waxa uu sidoo kale noqday garsoore maxkamadeed iyo bare dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ah. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa madaxdii ugu horreysay ee dhistay Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya.

Saddex jeer oo kale ayuu u tartamay madaxweynennimada, kumana guuleysan.

Xasan Sheekh Maxamuud

Waa madaxweynaha keliya ee labo jeer la doortay. Markii ugu horreysay waxaa la doortay dhammaadka 2012-kii, isaga oo xilka hayay ilaa horraantii 2017-kii. Waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi sanadkii 1955-kii, halkaas oo uu ku bartay Qur’aanka, iyo waxbarashada aasaasiga.

Madaxweynaha agoonka iyo hooyo koriska ah waxa uu u soo wareegay Muqdisho 1978-kii, isaga oo ku biiray Jaamacadda Ummadda, halkaas oo ka bartay teknoolajiyada. Waxa uu waxbarasho sare u aaday Hindiya 1986-kii, isaga oo ku biiray Jaamacadda Bhopal oo hadda loo bixiyay Barkatuah, halkaas ayuuna ka qaatay shahaadada labaad ee Jaamacadda.

Waxa kale oo uu sameeyay koorsooyin kale oo dhowr ah isaga oo bare iyo maamule jaamacadeed ahaa muddo dheer.

Waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay cilmi-baarista iyo daraasadaha la xiriira dib-u-heshiinta iyo nabadda Soomaalida dhexdeeda ah. Waa madaxweynaha ugu shahaadooyinka badan, muddada ugu dheerna ka shaqeeyay waxbarashada Soomaaliya.

Waa madaxweynaha keliya ee heysta shahaadada ugu sarreysa waxbarashada jaamacadda ee Ph.D, taas oo la shaaciyay inuu qaatay toddobaadkan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Waa qofka labaad ee raysul wasaare iyo madaxweyneba ka noqday Soomaaliya.

Waxa uu ku dhashay Muqdisho 1962-kii, halkaas oo uu waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ku qaatay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo xilka hayay laga soo billaabo horraantii sanadkii 2017 ilaa bartamihii sanadkan 2022, waxa uu ka shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya laga billaabo 1986-kii, isaga oo markii dambe noqday xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Waxa uu shahaadada koowaad ee cilmiga taariikhda ka qaatay Jaamacadda Buffalo sanadkii 1993.

Isla Jaamacaddaas ayuu shahaadada heerka labaad ka qaatay, isaga oo buuggiisa qalin-jebinta ka qoray ‘Danaha Mareykanka ee Soomaaliya: Dagaalkii Qaboobaa ilaa Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada’.

Image removed.

W/Q: Muxyidiin Rooble

Category