TABAHA BAARLAMAANKA EE KORJOOGTEYNTA HOWLAHA XUKUUMADDA!
(Mechanisms for Parliamentary Oversight)
Dhismaha Hey’adda Xeer-dejinta Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay ka sameysantay isku biiridda labadii Baarlamaan ee Koofurta iyo Waqooyiga 1-July-1960; Baarlamaankaasi waxa uu ka koobnaa 123; Kursi oo kala ahaa 90; Kursi oo uu ka koobnaa Baarlamaankii Koofurta iyo 33; Kursi oo uu ka koobnaa Baarlamaankii Waqooyigu, waxa uu qaatay magaca Golaha Qaranka (National Assembly) magacaasina waxa uu jiray intii u dhexeysay 1960-1969.
1960 kii doorasho ku salaysan Xeerkii “The Somaliland Constitution Order in Council” ayaa ka dhacday Ex-British Somaliland, Xeerkaas waxaa lagu dhisay laguna dhaqay doorashadii Golihii Xeerdejinta ee Somaliland! Waxaa doorashada ka qayb galay xisbiyadii siyaasadda ee xilligaas kajiray Somaliland, 33; Kursi oo ay ku tartameen saddexdii xisbi siyaasadeed ee kala ahaa:- Somali National League SNL, United Somali Part USP iyo National United Front NUF, Xisbigii Somali Yuoth League-SYL; oo ka qaybalay doorashada waxba kama helin Kuraasta Golihii Xeerdejinta ee Somaliland, sababtuna waxa ay ahayd in Xisbiyada oo ku dhisanaa Qabaa’ilka iyo Waxqaybsiga Beelaha aysan Waqooyiga ka jirin Beelihii ku xooggaanaa SYL.
Natiijada doorashadii Golihii Xeerdejinta British Somaliland[1] 1960
Xisbiga Kuraas %
Somali National League20
United Somali Part12
National United Front:1
Somali Yuoth League: 0
Isugeyn guud 33
1951; Koofurta oo Talyaanigu maamulayey waxa uu ka dhisay gole-goboleed “Consiglio Territoriale”, “المجلس الإقليمي” “Territorial council” kaas oo noqday golihii ugu horreeyey oo qaab Baarlamaan u dhisan oo ay yeelato Koofurtu, doorashada iyo xulashada golahaasi waxa ay kadhacday magaalada Muqdisho.
Natiijada doorashadii gole-goboleed “Consiglio Territoriale” 1959[1]
Xisbiga Kuraas %
Somali Youth League (SYL)83
Hizbia Dastur Mustaqil Somali:5
Somali National Union0
Somali Yuoth League:0
Greater Somali League:0
Liberal Somali Youth Prty2
Somali Fiqarini Youth0
Somali Democratic Party0
Mariixaan Union0
Somali African Union0
Isugeeyn90
Kaddib Afgembiga Xukuumaddii Rayidka ahayd oo ay ku kaceen 25; Askari oo isugu jiray Booliiska iyo Millateriga Baarlamaanku waxa uu noqday magac u yaal, waxaana uuna yeeshay magaca Golasha Shacabka (House of the People), Dastuurka Asaaska Jamhuuriyadda ee 1960, Qudhiisu waxa uu yiqiin magacaas, waxa uuna jiray 1969 – 2012.
Hay’adda Xeer-dejinta Soomaaliya muddo 42[1] Sano ah waxa ay ku dhisnayd Nidaamka Xeerdejinta hal gole (Unicameral System) Kaddib Hirgelinta Dastuurka KMG ah Augost-2012; Soomaaliya waxa ay ku heshiisay Islamarkaana qaadatay Nidaamka Xeer-dejinta labada gole (Bicameral System), hayeeshee 2012, Suuragal ma ahayn dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya! Sababtu waxa ay ahayd in aysan xilligaas diyaar ahayn inta badan Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe oo uu Metelayo Aqalka sare sida uu qabo Qodobka 61aad iyo 71aad ee Dastuurka kumeelgaarka ah.
27-Dec-2016; ayaa Soomaaliya rasmi ahaan waxa ay kamid noqotay dowladaha ku dhaqma Hannaanka xeerdejinta labada gole ee Baarlamanaka (Bicameral System), iyada oo markii ugu horreysay Taariikhda ay Soomaaliya yeelatay Aqalka sare (The Senate) kaas oo ka kooban 54 Xubnood oo u qaybsan 18; gobol.
HOWLAHA MUHIIMKA AH EE BAARLAMAANKU WAXA AY U QAYBSAMAAN LABA SHAQO OO WAAWEYN.
- Tan Koowaad waa Howsha xeer-dejinta, taas oo ka dhigan in Baarlamaanka oo keli ah uu gaar u leeyahay dejinta Xeerarka dowladda, Wax ka beddelkooda iyo haddii loo baahdo baabi’intooda
- Shaqada labaad waa Howsha Korjoogteynta Xukuumadda (Parliamentary Oversight) taas oo ka dhigan in Baarlamaanka oo leh tilmaanta Metelaadda dadweynuhu uu leeyahay xaqa Jiheynta iyo Xisaabinta laanta fulinta ee dowladda (Executive Branch)
Arrin ay muhiim tahay in halkan lagu xuso ayaa jirta taas oo ah in howshii Xeerdejinta ee Baarlamaanadu ay hoos u dhacday Casrigan iyada oo kaalintii Baarlamaanku ku ekaatay in Baarlamaanku ku raaco Laanta fulinta Mab’da ahaan Xeerarka ay soo diyaariso, taasina waxa ay horseedday in Kaalinta Xukuumadda ee diyaarinta Xeerarku ay noqoto mid muuqata, waxa ayna laamaha fulintu ku dhowaadeen in ay liqaan howshii xeer-dejineed ee Baarlamaanada, Arrintu waxa ay gaaartay in Aqoon yahanka dersa Laamaha dowladdu u uku tilmaamo Baarlamaanada in ay yihiin oo keli ah Qalab kujira gacanta xukuumadaha! Kaas oo meelmariyaha hindisayaasha Xukuumadaha! Isaga oo aan lahayn hindise xeerdejineed oo isaga u gaar ah.
Sidaas awgeed 95% Xeerarka uu soo saaro Baarlamaanka Ingiriisku (The House of Commons)[2] waxaa hindisehooda leh Xukuumadda, 90% Xeerarka uu meelmariyo Baarlamaanka Mareykanku (The United States Congress)[3] Waxaa soo diyaariya xukuumadda halka 75% Xeerarka uu ansixiyo Baarlamaanka Jarmalku (The German Bundestag)[4] waxaa soo gudbiya Laanta fulinta.
SABABAHA GAABISKA XEER-DEJINEED EE BAARLAMAANADA!
Dhowr sabab ayaa horseedday gaabiska howsha Xeer-dejineed ee Baarlamaanka iyo kor u kaca kaalinta laanta fulinta marka la joogo Nidaamka dowladaha Casriga ah, waxaa kamid ah
- Horumarka fahamka dowladda Casriga ah
- Isdhexgalka Shaqada dowladda iyo Teknolajiyadda
- Siyaasadda Xeer-dejinta oo aad ugu baahan Taqasus iyo Teknolajiyadda
- Baarlamaanada oo ay ku yartahay farsamada ay u baahan tahay Xeer-dejintu
Iyada oo haddaba halkaas laga duulayo hoos u dhaca kaalinta Xeer-dejineed ee Baarlamaanka iyo kor u kaca kaalinta hindisidda Xeerarka ee laanta fulita iyada oo aan midkoodna horseedin in uu kan kale ka horreeyo haddana waxaa keenay duruuf siyaasadeed iyo mid dhaqaale si gaar ah Dalalka ku dhaqma Nidaamka ay Awooddu u kala qaybsan tahay hay’adaha dowladda ay kala madaxbannaan yihiin islamarkaasna ay is Miisaamayaan (Checks and Balances).
Sabab kale oo keentay hoos u dhaca kaalinta Xeer-dejineed ee Baarlamaanka iyo kor u kaca kaalinta hindisidda Xeerarka ee laanta fulita waa Xukuumadaha oo isu arkay in ay ku qasban yihiin in ay si toos ah u farageliyaan dhinacyoo kaladuwan oo dowladdu ku leedahay dul-duleello ay suuragal tahay in ay sababaan taag-darro ku dhacda Shaqada dowladda maaddaama Laanta fulintu haysato galangal ay ku beegsato horumarka weyn ee adduunku gaarayo maalinba maalinka xiga iyo Baarlamaanka oo qaatay in uu xarigga u daayo Xukuumadda marka ay ku howllan tahay soo gudbinta hindiseyaasha muhiimka u ah horumarinta tayada Siyaasaddeeda maadaama Baarlamaankuu leeyahay Kormeerka howlgudashada xukuumadda iyaduna ay Mas’uul ka tahay.
Korjoogteynta Baarlamaanka ee howlaha laanta fulintu ma aha Carqaladeynta Shaqada xukuumadda mana aha Laalidda dhaqdhaqaaqa Laanta fulinta ee qabsashada howsheeda, Korjoogteynta Baarlamaanka ee howlaha Xukuumadda waa:
- Jiheynta Xukuumadda,
- Talo-siinta dhinacyada ay ka gaabiso
- Gaarsiinta sida dadweynuhu u arko siyaasaddeeda iyo howlgalkeeda
- Hubinta in ay Shaqadeeda u qabaneyso sida ugu wanaagsan waxtarna u leh dadweynaha iyo dalkaba
- Iyo tan ugu dambeysa oo ah in Baarlamaanku Xisaabiyo Xukuumadda haddii ay jirto Arrimo Waajib ka dhigaya Xisaabinteeda.
Haddii Howsha Xeerdejinta Baarlamaanku duruuf Siyaasadeed awgeed u noqotay mid ay la wadagato Laanta Fulintu waxaa muhiimad aad u weyn yeeshay Shaqada Labaad ee Baarlamaanka oo ah Korjoogteynta taas oo Waajib ku noqotay Baarlamaanka in uu deegta u rito culeyska Korjoogteynta howlaha xukuumadda iyada oo howshaasi aad u ballaaran tahay una adag tahay islamarkaana ay u baahan tahay dhowr Takhasus oo kaladuwan.
Gudashada howshaas lex baaxadda intaas la eg waxa ay u baahan tahay Baarlamaan tayo leh oo awooda in uu si Wanaagsan u adeegsado Xaqiisa dastuuriga ah ee Korjoogteynta Howlaha Xukuumadda.
Waxa jira dhowr hab oo Baarlamaanada Casriga ah ay u dhaqangeliyaan Siyaasadda Korjoogteynta howlaha Xukuumadda, hababkaas waxaa ugu muhiimsann uguna caansan Tabaha kala ah:
- Su’aasha (Question)
- Baaris (Investigation)
- Golejoojinta (Impeachment)
SU’AAL! (Question)
Su’aashu waa mid kamid ah Tabaha Korjoogteynta Xukuumadda ee Baarlamaanka, taas oo kadhigan suuragelinta Wadahadal u dhexeeya Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo Nuxurkiisu yahay in Xukuumaddu Xog iyo Faahfaahin ka siiso Baarlamaanka dhammaan howlaha xukuumadda ee uu Su’aalaha ka keeno, sidaas awgeed habka Su’aashu waxa uu leeyahay Nidaam ay tahay in Xubnaha Baarlamanaka iyo guddiyadiisuba ay maraan marka ay Su’aalo weydiinayaan Ra’isalwasaaraha ama Wasiirarada, Su’aashu waxa ay u qaybsantaa laba Nuuc oo kala ah: Su’aalo qoraal ah (Written questions) iyo Su’aalo Afka ah (Oral questions)
Su’aalaha Qoran waxa ay u baahan yihiin Jawaabo Qoron sidaas oo kalana Su’aalaha Afka ah hadba Wasiirka metelaya xukuumadda ama Mas’uulkii kale ee Baarlamaanku u jeediyo waxa uu bixin karaa Jawaab Afka ah, Xildhibaanku waxa uu dalban karaa Jawaab qoran iyada oo ay Waajib ku tahay darafka loo jeediyey in uu keeno Jawaabta oo Qoraal ah, Baarlamaanada qaarkood waxa ay leeyihiin Nidaam fudud oo Xukuumadda iyo Hay’adaha kale Su’aalo lagu weydiiyo iyada oo la adeegsanaya Teknolajiyadda iyo Waqti Su’aaleed go’an oo tusaale ahaan Saacad ama Laba[5]
Su’aashu waa Weydiin qaoraal ama Af ah oo Xubin kamid ah Baarlamaanku u jeedinayo Xukuumadda oo uu Metelayo Ra’isalwasaaruhu (Wasiirka 1aad) ama mid kamid ah Wasiirada ama Qof kale oo ah Mas’uul Baarlamaanku Xisaabiyo, si uu u helo Xildhibaanku Macluumaad uusan ogeyn ama ay la tahay in uusan la socon, taas oo ku saabsan Arrin gaar ah oo kamid ah Waajibka iyo Mas’uuliyadda Qofka loo jeedinayo Su’aasha[6]
BAARIS (Investigation)
Xaqa furidda Baaristu waa mid kamid ah Xuquuqda la isla ogolyahay ee Baarlamaanku leeyahay Marka la joogo dowladaha ku dhaqma Nidaamka Baarlamaaniga iyo sidoo kale dowladaha ku dhisan Nidaamka Madaxtooyda sida Mareykanka oo kale.
Haddii Su’aashu ahayd Xaq uu Xildhibaan walba leeyahay Baaristu waa xaq uu leeyahay dhammaan Baarlamaanku si guud, balse maaddaama ay adag tahay in xubin walba oo katirsan Baarlamaanku ay Xaqaas Isticmaasho waxa uu xalku noqday in Baarlamaanku sameeyo guddiyo kaladuwan ee midba Arrin gaar ah quseeyo, sidaas daraadeed Baarlamaanka ayaa dhisaya guddi[7] gaar ah oo fuliya Baarista Arrin gooni ah ku dhammeeya Baaritaas muddo go’an, marka howshaas Baaristu dhammaatana guddigaas shaqadiisu halkaas ay ku dhammaato.
Baarista uu Baarlamaanku furi karo waxaa kamid ah
- Baarista la xariirta Garsoor
Marka Baarlamaanku furayo Baarista Nuucaan ah waxa uu adeegsanayaa awood Asal ahaan ah mid Garsoor, waxaana kamid ah
- Baarista Doorashooyinka
Baarista la xariirta doorashooyinku waxa ay ku saabsan tahay tusaale ahaan haddii tuhun Qaanuuni ah lagu furo Saaxnaanshaha doorashada xubin kamid ah Baarlamaanka, barista doorashooyinku ma aha howl xeer-dejineed mana aha howl Korjoogteyn.
- Baaris fal-dembiyeed
Baarista faldembiyeedku waxa ay Imaan kartaa marka xubno kamid ah Baarlamaanka ama codbixiyeyaal diiwaangashan ay ku eedeyaan Xubin katirsan golaha Wasiirada in uu ka shaqeynayo in xubno katirsan Baarlamaanka loo maxkamadeeyo Shaqada Korjoogteynta, Xisaabinta iyo gole-joojinta Xukuumadda.
GOLEJOOJINTA (Impeachment)
Gole-joojinta Baarlamaanku sameeyo waa mid kamid ah hababka ugu halista badan Tabaha Korjoogteynta Baarlamaanka ee howlaha Xukuumadda, sababta oo ah waxa ka dhalan karta in codka kalsoonida loo qaado xubin kamid ah golaha Wasiirada ama in uu go’aamiyo in Xukuumadda oo dhan ay weyso Kalsoonida Baarlamaanka.
Gole-joojintu waa xaq Baarlamaanku leeyahay oo kusaabsan in uu helo Macluumaad la xariira Siyaasadda guud ee xukuumadda ama la xariira howlo maamul, sidaas awgeed Gole-joojintu waa kaduwan tahay labada tab ee hore balse labaduba waxa ay hordhac u noqon karaan Gole-joojinta, tusaale ahaan Su’aasha ayaa isu rogi karta Gole-joojin ama Baarista Baarlamaaniga ah ayaa daah-rogi karta gaabis iyo Cillad kujirta Xukuumadda taas oo sababi karta Xisaabinta Xukuumadda ama Wasiirka leh Shaqada uu gaabiskaasi ka jiro iyada oo la isticmaalayo Tabta Gole-joojinta[8].
Tabaha Kormeerka Baarlamaanka ee Howlaha Xukuumadda
WQ: Avv: Ahmed Isse Gutale