Hargeysa(RH)Shir Ballaadhan oo uu Shir-Guddoominayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay ka qeyb galeen madax iyo masuuliyiin ka socota hay’addaha Qaramada midoobay iyo hay’adaha samo-falka ee Somaliland ku sugan, madaxda qaar ka mid ah hay’adaha madaxa bannaan iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan, ayaa shalay ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH)Shirkad Magaceedu yahay Salternas LTD ayaa sheegtay in ay Somaliland siisay Mashruuc ah milix ka samaynta uumi baxa biyaha badda Somaliland. Heshiiska oo ah muddo 25 sannadood ah lana kordhin karo ayaa ah in shirkaddu mashruuca ka fuliso dhul ku teedsan badda oo dhanka galbeed ka xiga Berbera cabbirkiisuna yahay 150KM2haddii loo baahdana la gaadhsiin karo 200KM2.
Hargaysa(RH)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa soo gabo-gabeeyay tartanka orodada oo ay ku tar-tamayeen dawladdo badan oo isugu yimid Tartankaas oo loo xushay in lagu qabto Jamhuuriyadda Somaliland.
Jig-jiga(RH)Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar)ayaa maanta Xilkii ka qaaday wasiirkii wasaarada Warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilkaasi u magacaabey Cabdilaahi Maxamed Mowliid oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey DDSI.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay inay ka xun tahay tallaabada ay dawladda Somalia ku saarayso ergayga Qarammada midoobay u qaabilsanaa Somaliland/Somalia Mr. Nicholas Haysom.
Waxaa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, kaasi oo u dhignaa sidan:-
Gabiley(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta xadhigga ka jaray waddooyin cusub oo laga hirgeliyey magaalooyinka Arabsiyo iyo Gabiley.
Hargeysa(RH)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo uu ugu maqnaa wadamada Ingiriiska iyo Belgium waxaana gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyay, Maayar ku xigeenka Caasimada, Wasiiro, Agaasimaha Madaxtooyada masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, madaxda-dhaqanka iyo siyaasiyiin.
Hargeysa(RH)Gudida Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhacayso doorashada golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo lagu waday inay dalka ka qabsoonto 29-ka bisha March ee sannadka 2019-ka.
Hargeysa(RH)Hay’adda Shaqalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa si rasmi ah u shaacisay wakhtiga iyo goobaha bulshadda ku dhaqan Gobolka Sanaag loo daahfuraayo Tartankii Imtixaanka shaqooyinka Dawladda ka banaan loo gelaayo ee gobolka Sanaag loogu talo galay.
Pagination
- Previous page
- Page 16
- Next page