RAG KATIRSANAA BUDHCAD SOOMAALI IYO CARAB AH OO LAGA MAMNUUCAY IN AY ODENSA GALAAN AMA DHEX MARAAN.

RH: Saddex nin oo ka tirsanaa koox burcad ah ayaa hore loogu diiday in ay galaan ama maraan degmada Odense, Ragan oo xukunkaas abiilka qaatay iyagoo doonayay in xayiraaddaas laga qaado ama la yareeyo. Ayey Maxkamadda Sare ee Denmark  hada waxay si cad u go’aamisay inay si buuxda mamnuuc uga tahay in ay saddexdan nin galaan ama maraan Odense muddo shan sano ah laga bilaabo xilligooda sii deynta.

Maxkamaduhu sida ay u mareen:

  1. Xukunka Hore (Maxkamadda Sare ee Galbeedka, 2022): Saddexda nin waxaa horey loogu xukumay mamnuuc ka baxsan Odense oo shan sano soconaya.
  2. Racfaanka Maxkamadda Sare: Saddexdani waxay racfaan ka qaateen xukunka oo ay codsadeen in xayiraadda laga yareeyo, si ay ugu booqan karaan qoysaskooda ama u maraan degmada.
  3. Go’aanka Maxkamadda Sare (Nidaamka ugu dambeeya): Maxkamadda Sare waxay ku adkeysay go’aankii hore ee in aanay gelin ama marin degmada, xitaa haddii ay u marayaan tareen ama jidka weyn ee E20.

Sababta Mamnuuca
Saddexdan nin waxay ka tirsan yihiin kooxda NBV, oo ka dhalatay koox burcad ahayd oo lagu magacaabo Black Army. Kooxdan NBV, oo ay xubno badan oo Carab ah ka tirsan yihiin, ayaa khilaaf la gashay koox kale oo Soomaalida ka soo jeeda, 9Hunna. Bishii Janaayo 2022, dagaal dhex maray labada kooxood ayaa sababay in nimankan la xiro kadib markii labo Soomaali ah la dhaawacay.

Xaaladda Dambiilayaasha iyo Qoysaskooda:
In kasta oo saddexdani leeyihiin qoys iyo asxaab ku nool Odense, Maxkamadda Sare ayaa sheegtay in danaha guud ay muhiimad ka badan leeyihiin tan qoysaskooda, taas oo la micno ah in aysan heli doonin ogolaansho ay ku booqdaan degmada.

 

Category