Burmad iyo Bad-Weynta Suugaanta!

Sidiiq Maxamed Burmad waa hal-abuur ereyadiisu ku labbisan yihiin Hibo iyo Farshaxannimo, nooceeda beryahan Naadirka ku ah suugaanyahanada. Waa Heello-maal heesihiisu baadi-sooc gaara leeyihiin, oo qofka in uun yaqaana curinta suugaanta, aanay kaga dhex lumayn(qasmayn) booshaaqa waayadan la tiriyo.

Sidan waxa Faallo ku bixiyey oo qorey Shan Sanno ka hor, Xasan-Daahir Ismaaciil [WEEDHSAME]. Feeggarida xarfo la baahiyey oo lagu qorey mareeg, kama dhigna in aynu gudnay abaalka Suugaanyahan murtidiisa lagu dhayo boogo milil noqday, oo baahan. Wacyiga suugaaneed ee heerka sare leh, af-gaabnida iyo Mabda'a aan labac-labacda lahayn, ee shaqsiyaddiisa ku lingaxan ayaa sifo kuugu filan. Qarnigan 21-aad suugaan shilis ayaa uu dunida keenay, oo ay adag tahay inaynu maqli wayno.

Waa Durdur suugaaneed aan gudhin oo haaneedaya mucdii iyo miidii qofnimo. Wuxuu taageeray oo suugaantiisa mucda lehi soo saartay, hibadda codeed ee Hobollo cirkaa tagay, oo aan hadda caad qarin karin "Cadceed duhur joogta, sacabadu ma qariyaan". Halkii ay lodkii hore ugu jireen Maxamed Cali Kaariye, Sulub, Axmed Saleebaan Bide I.Q.KB. ayaa uu ugu jiraa jiilka dambe. Waa Caroog, loogu hadlo inta dareenadda kalgacaylku golongoliyeen.

Cadad iyo tiro toona malaha inta uu Gar-yaqaan suugaaneed u yahay, ee miciinsata Weedhaha Maankiisa kasoo burqada. Khabiir weyn oo garaad ku ah ka dhex hadlida Quluubta dadka iyo Tarjumida Dhacdooyinka waayonololeed, ee ku xeeran. Suugaantiisu waa mid baadi-sooc leh oo rajo iyo yididiilo ku abuurtay Shaqsiyadayda. Sabankan fanka laga dayriyo, kolka aan Midhihiisa maqlo Culays badan oo welwel i galin jirey ayaa iga dega.

Ka Sokow garashada iyo barashada aan bartay Sidiiq, ilaa hadda waa dadka sida gaarka ah ii saameeyay. Nin dad jecel, gaar ahaan Dhalinyaradu aad uga mahad sheegtaan. kolkii hore keligay ayaa ismoodayey inay aragtidaasi igu kooban tahay, balse Markhaatigaasi waxa ii furay Cumar Seerbiya oo sidan hoose ku qorey boggiisa:-

"Astaan gobonimo, adkaysi iyo walaalnimo,

Qof kasta oo ay duruufaha nololeed kulmiyeen, tan markhaati ayaa uu ka noqon karaa! Aniga oo og wanaagiisa ayaa aan arkaa dad kale oo ka mahad-sheeganaya. wanaag iyo Gacan-qabasho ayaa uu astaan u yahay"

Xirfadle ku dhawaad labaatan sanno ku dhex jirey Warbaahinta. Raadiyoow Hargeysa ayaa uu 2003-dii ka Hawl bilaabay, aadna waxa loogu Xasuustaa Barnaamijkii "Xulashada Raadhiyoowga" isaga iyo Raxma Abu-Hurayra. Wallow waqtiyadii udambeeyay uu Laanta af-Soomaaliga, ee BBC-da uga waramayey Hargeysa.1983-dii ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa. Shan sanno waxa uu ka shaqaynayey oo uu tabobare u ahaa, Weriyayaal isaga oo ushaqaynayey Haayad Holandiis ahayd, oo la odhan jirey FREE PRESS. Shahaadada heerka koobaad/Degree-ga waxa uu ka qaatay Jaamacadda haayadda Shaqaalaha Somaliland.

Fasalka toddobaad ayaa uu ku bilaabay Suugaanta, sida uu ku sheeggay Waraysi laga qaaday. Afar goor ayuu uu ka qaybgalay tartan suugaaneedyo, waxaanu laba ka mid ah, galay kaalinta 3-aad, halka labadda kale uu ku guuleysay kaalmaha Koobaad iyo Labaad. Dhagteenu kolka ay maqasho magaciisa durba waxa qub inaga soo yidhaahda Heeso iskugu jira Guubaabo,Daltabyo, Calaacal/Tawaawac iyo amaan mano-sheegashadu ku dheer tahay.

Sidiiq Maxamed Burmad mid ka mid ah Mashiinadii hoboladii Xidigaha--Geeska gacanta weyn ka gaystay, in ay Wacadaro ka dhigaan Masraxyada Hargeysa.

Mar kale waa Warshaddii soo saartay ama ina bartay Axmed Arshe iyo Cabdi-risaaq Anshax-ba, mucda heesaha uu u dhiibay darteed. Sidoo kale waa Suugaanyahanka leh, mid ka mid ah saddexdii heesood ee ibofurka u ahaa heesaha Nimcaan Hilaac.

Heestiisii ugu horeysay ee Miyuusig loo tumo ee uu alifey waxa ay ahayd, Xalaawatul Laws.

Halkan hoose ka daalaco Suugaanta uu curiyey gaar ahaan Heesaha Miyuusiga loo tumay, ee ay qaadaan Hobolladu.


1] Yaa yidhi ma jiro caashaq
Oo jaahilnimo sheegtay
Dhibse yaa jacayl mooday
Oo garan jibada haysa
Kuna sheeggay jeefaafka--- Codka Mursal muuse

2] Bestii weeyaan dartaa dheh
Illaa hadda muu bogsoon dheh
Bukaan weeyaan sidii dheh
Marwuu baaxaa dagaa dheh
Mar wuu isku buuqayaa dhe
Kiiyoo jooguu baxaa dheh
Baraaruga wuu nacaa dheh--- Nimcan Hilac

3] Jacaylkuba ma biyo dhigin
Qalbi dhowr wadaagaan
Oo dhinac mid kala wada
Adna meel wax kula dhiga
Dhagax qudha haddaad laba
Dhimbirood ku wada dhufo
Way dhici isleedahay
Waanay kuu dhaboobayn.
Malaa dhaadi mayside
Waa dhimbiil hinaasuhu---- Barwaqo Qalanjo

4] Naftaydani waa liciife
Rabboow laabtayda daafac
Liibaantana igu hanuuni
Ladnaantana haygu hoojin---- Codkii BK

5] Xasuusta ayaamo aan xanibnaa
Xanuunka jacaylku xoog ubadnaa
Anoo xayirnaa Dartaa xawilnaa
Xawilnaa xogtayda halka aan ku sugna
Ahayd mid xumayd xasaasi ahayd
Adaa xuladkii Xamdaay damiyee
Xalaal dhaladeey Xalaawatul laws----------Nimcaan Hilaac

6] Waa loox-maxfuudkee
Liidnimo kumaan hadhin
Adna laydha guurkaay
Soo leexo maantoo
Sida geed lux maankoo
Laabtayda maanqaad-----Anshax

7] Waxaan guudka saarta
Eed aanan weli gelin
Waanan raali-geliyaa
Bal inaan la kala go'in---- BK

8] Dugsi loo hilloobiyo
Hadh-dacaar gabood male
Qunyar heego luudiyo
Hoosiisna jiif male
Hammo beena mooyee
Ragna hanasho reer male
Hel ugbaad lamoodaa
Mooyee han kale male
Been dumar kusoo hoy
Hadhawtana run kula dhaqan
Ragga waa u halhaysoo
Waa waxa haween baday---Ugbaad aragsan

9] Hormood meel aad u tahay
Halyey meel aad ka tahay
Kutahay hodanaad ku tahay
Qof haybad leh aad ku tahay
Dalkaaga laga helaa
Hargeysa laga helaa
Bulshadu waa habarwadaag
Hilbiyo dhiig wada dhashoo
Himilo ku midaysanoo
Hadafbay wada qabaan--- Codka X.Geeska

10] Dalkaa kuu baahan kuu baahan
Barwaaqada aan helnee
Soo bixi soo bixi
Bulshooy soo bixi cashuurta- Codka
Xidigaha-Geeska

11] Bartu waa Garoon
Bogcadii ciyaaraha
Barbaartii lasoo xulay
Tartan loogu baaqee
Bulshayahay rag iyo dumar
Bilaaboo usaraca kaca
Sacab badan haloo tumo---Codka X.Geeska

12] Haweenbaa hoodo sheegta
Haweenbaa samo u hiisha
Haweenbaa qaran hagaaja
Haweenbaan hadimo beerin
Hog iyo booraan la eedo
Halbawlaha horumarkeenu
Iyaga weeyaan hubaale
Heerkiyo nabadaynu joogno
La'aantood lama heleenba---- Xidigaha Geeska

13] Anigu cidna uma xagliyo
Xukuumada lama safani
Xisbina waligay magalin
Xergaarahan uma shaqayn
Waxaan ahay Weriye xora
Dadka na xulafaysi nu nahay--X.Geeska

14] Nabadeey Warkaa sheelan
Nin ku waayeybaa sheegga
Nasanoon habeen seexan
Noloshana ku guul seega--Xidigaha Geeska

15] Uduggaagu waa cuudka
Ama cadar isoo jiita
Carfigaagu waa gooni
Cid kaloo heshaa joogin
Midab kaagu waa caynka
Cirka dayax kasoo muuqda
Caddo-niidhi weeyaane
Carro-edeg dadkaa jooga
ma cidbaa ku gaadhaysa
calashaan ilwaadkeeda--------Axmed Arshe

16] Dugsiiya Alloow dejiya daalka iga bi’isa
Daymo qurux ilwaadloo indhaha duwata wiilkooda
Doojisa hankeygoo darmada wadhata laabtayda
Diif tira diihaalkiyo dhibtaba iga daryeelaysa
Oo halkaan ka doonaayo halkeed iga dareemaysa
Ii dul badanoo iina debecsanoo iina dumareysan-----Cabdi-risaq Anshax

17] Maxaan hagardaamo qabay
Hurgumo aan iga ba’ayn
Calool-xumo hadallo beera
Adoon eray ii hambeynin
Qasana toban goor la hoyday
Hayena aan kaa sugeyn
Nafteydaan kaa hareyne
Inaan jaro haybintaada
Awoodeedaanan haynine
Hadmaan caawana is keenay? C.Anshax

18] Mar waan kugu dawoobaa
Mar waan kugu durroobaa
Waxaad doojisaa laab
Caashaqu ku daabacay
Magacaaga deeqaay
Mar waa dudumisaa
Damaq baad ku reebtaa
Oo waad ku digataa
Naftan dabarku kuu xiray
Ama dayso oo dhowr
Ama daa I daayooo
Meel kale u diga-rogo-----C.Anshax

19] Inaaf iski dookhtihiin
Lamaame isdoortayoo
Ilaa xad isdeeqayoo
Isdaawada aad tihiin----- Bk

20] Qaadiroow alahayoow,adigu Qumane ii soo xul
Quruxdaada kaa hoo tidhoo,Weli qadhaabaysta
Laabtaada adigoo ku qorey ruux isqaban waayey
Oo qoolaali meel kale ka jecel,Qalanjo loo hooyey
Qof nool lagama quustay,Naftani qiil ka dhigataaye
Qaflad ruux ku sugan,shaw eleen male Qaneecaade-------Codka Xamda Cabdi Kinaal[ Kuwiin]

21] Wanaagu dhibaaga
Jacaylka dhantaaga
Xumaan udhafraaga
Shirqoolo dhigaaga
Dhanxiirka warkiisa
Dhexdeenu madeeqdo
Dhambaal xumayaasha
Dhexdeenu maqaado
Dhididkoodu ku kooban
Dhawaaqa Iblayska
Dhagteenu ka awdan--Yusuf Hanad iyo Asma Love

22] Ma beelbaa beel wax dheer
Miyaan bini'aadamkuba
Ka iman boodh iyo candhuuf
Hadmay kala baab noqdeen
Oo yaa qaarkood boqraday
Badhkood yaa hoos u dhigay.
Intaad dhaqamadan bahdilan
Ee aan diintuna bannayn
Buruudka u haysataan
Bulshooy waad liidataan---

23] Ma ku tidhi hortay cidi i hoo
Oo i hano hoodo?.
Maku tidhi hortay waan ka helay hadal macaankaaga ?.
Anna hoo warkaygoo jacaylkaagu i hel maanta.
habluhuba markay soo gashay ila hagaasaane
Luqunteeda taakada hal dheer hilibka laalaabmay.
Hoogaanso kubabkeeda eeg kor iyo hoos buuxa.
Dibneheeda yaa kala hadhoo haysta ragi leeyay.
iyo dhaayo hanaqaa ku jara haamadiyo laabta.
Kol hadaanan kaa haysan karin hanatay laabtiiye.
Maysku kaa haleeyaa aduu hadal ku joogaaye.--------Axmed Arshe

24] Hugunkani ma faraxbaa?
Ma jacayl hirgalaybaa?
Ma labaa halkuu rabay
Hanku maanku laasimay?
Haasaawe meelmara
Dhaxalbaa ka hadhayee
Oo ma hoygalkiibaa?
Ma habeenno khayrlaa?
Hambalyaannu leennee
Anna heelladaydii
Soomaan u hagar bixin-------BK

25] Ulashadu jujuub maaha
Amar iyo i yeel maaha
Ikhtiyaar ka qaad maaha
Irrid xidhan garaac maaha
Adigoo qofkaad doontay
Aqbalaada kaa diiday
Daba orod hadana maaha
Isagana kadeed maaha
Ubaxeey ilamada jooji
Jacaylkana ka saar uurka
Urugada kadaa maaanka
Anna eedda hay saarin
Ubad iyo nin reer laanay
Oo oori qaba fiican ------Yuusuf Jeego

26] Qalbigu wuu taamayaa
Wuxuu tabayuu rabaa
Tiiraanyana wuu qabaa
Tumaati ku kaysa oo
Ayaamo tilmaamanoo
Taguu sii dhaadayaa
Xusuusaha taabayaa
Midkaan u tasoobay iyo
Hargeysa kamaan tageen---Yurub Geenyo

27] Dab iyo axdigii digaad ka dhigtoo
Dubaaqiyo maanka waad dubatee
Anoo kuu dabacsanbaad dig tahee
Maxaad ka dudaa Aan kaa daayee---Arshe

W/Q Jamaal ibraahim Dasuuqi

Category