Sawirro: Beesha caalamka oo ku biirtay shirka Golaha Wadatashiga ee Muqdisho

Muqdisho (RH)-Maanta waxaa maalintii labaad galaya shirka Golaha Wadatashiga, kaasi oo si rasmi ah shalay uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka oo qayb ahaan horey uga billaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo.

Khilaaf ayaa hareeyay doorashadani waqtigeeda la dhaafay, iyadoo Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaalna uu dhawaan kala qaybsamay.

Shirka waxa ka qaybgalaya dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Gobolleedyada shanta ah, duqa magaalada Muqdisho iyo Ra’isul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble.

Beesha caalamka oo ku biirtay shirka Golaha Wadatashiga ee Muqdisho

shirkan ayaa horey waxaa ugu dhawaaqay Ra'iisal wasaare Rooble, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli khilaaf xooggan uu dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisal wasaarihiisa.

khilaafkan ayaa dib u dhac hor leh u keenay doorashada markii horeba xilligeeda dhaaftay.

Dhinaca kale,xubno ka socday beesha caalamka ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ee ka qeybgaleysa shirka Golaha wadatashiga ee ka furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuuu sheegay wakiilada beesha caalamka “in ay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, bulshada rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale” sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Beesha caalamka oo ku biirtay shirka Golaha Wadatashiga ee MuqdishoMadaxda Soomaalida

Xiggasho: BBC

Category