Wax badan ayaan ku taamay in aan mar uun waraysto qoraa sare Maxamed Daahir Afrax oo lagu Naynaaso Afrax iyo Afka Hooyo, Waxaan doonayey oo kaliya in aan wax ka ogaado sababta ay ugu baxday koofaarta/naynaasta Afrax iyo Afka Hooyo, Arintaasi waxay ii suura gashay Habeenkii 1-aad ee la filayey dhalashadiisa Sanadkii 2014-kii, waxaan kula kulmay Hoteelka Amiira oo uu markaas deganaa, sheeko dheer ka dib, waxaan weydiiyey waxa loogu bixiyey koofaarta caan baxday ee Afrax iyo Afka Hooyo, waxa uuna yiri:
“Walaahi ma garanaayo hhhhhhh, laakiin waxaan u malaynayaa iney ku timid ka daba mintidka aan ku ahay Afka Soomaaliga, difaaciisa iyo u ololayntiisa, labaatankii sano la soo dhaafay waxaan wedey qayladhaan aan isku deyey inaan dadka ku baaraarujiyo afkooda qiimaha uu ugu fadhiyo, halista ku soo fool yeelatay, baahida loo qabo in la badbaadiyo, cidda badbaadintiisu saaran tahay iney tahay Ummadda Soomaliyeed oo dhan, in la isugu yimaado fagaarayaasha, si la isugu baraarujiyo arimahaas, Waqti badan oo aan geliyey inaan sameeyo meelo lagu kaydiyo Afka Soomaalida, Aasaaska Ururka Somali Pen iyo wargays xiliyeedkii Hal-Abuur oo aan London ku aasaasay, markay dadku intaas iyo in kale Idaacadaha iyo Telefishinada ka arkeen ama ka maqleen ayaan u malaynayaan”.
Waa uu sii hadlay Mudane Afrax oo waxa uu yiri. “Waxaa kaloo jirta U qayla dhaaaminta xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo markii hore ka bilaabatay Magaalada Jabuuti, hadana gaartey Soomaaliya oo dhan sida Muqdisho, Garoowe, Harhgaysa iyo Jigjiga, waxyaabahaas oo dhan waxaa iiga lumay waqti badan, waxaan u daayey dhowriska Afka Soomaaliga danahaygii oo dhan, dad badan ayaa igu nacay oo igu yiraahda maxaa ku daba dhigay Af Soomaaliga adigoo aan Af Soomaali wax ku baran, waxna ku qora Afaf kale, Tacliintaydii hore waxay ahayd Af Carabi, taydii danbane waxay ahayd ilaa PHG Af Ingiriis. Hadaan wax qorayo Af Soomaaliga iyo Luqadaha kale sida Carabiga iyo Ingiriiska waxaa ii sahlan inaan wax ku qoro Carabiga ama Ingiriiska, laakiin waxaan ka doorbidayaa Afka Soomaaliga oo ah Afkayga Hooyo”.
Mr. Afrax ayaa intaa ku daray. “Waxaan arkay dad badan oo Aqoonyahano sheegaya oo ka faanaya ku hadalka Afka Soomaaliga, marka shirarka la isugu yimaado, dad badan ayaa la dirira Afka Soomaaliga oo rumaysan in aan Af Soomaali meel lagu gaarayn, Qaar baa ku leh Af Soomaaliga waa Lahjad, Qaar baa ku leh waa Jaahiliyad ee aan u laabano Afka Carabiga maadaama aan Carab nahay.
Waxa uu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey.
"Qof walba Afkii uu wax ku bartay ama ku shaqaystay ayuu difaacayaa, marka anigoo Afaf Qalaad wax ku bartay, wax ku qora, iigana fudud yihiin Afkayga Hooyo ayaan hadana ka daba rafanayaa Af Soomaaliga, marka waxaa laga yaabaa iney halkaas ka timid kelmadaan ama Naanaystaan aad sheegtay ee Afrax iyo Afka Hooyo.”.
Sikastaba, waxaa hubaal ah in Afrax ahaa Af yaqaan wax badan ka qabtay dhowrista Afkeenna Hooyo. Xaqiiwdii derbi ayaa nagu dumey maadaama uu naga baxay Qareenkii Afkeenna Hooyo, Naxariistii janno alaha siiyo. Umadda Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan alaha ka siiyo.
W/Q. Cabdinaasir Iidle