Maxaa loogu dhagan yahay Wasiir Beyle?

Waxaan maalmahan la socday doodda miisaaniyadda sanadka 2022 oo meel adag maraysa, eedo badanna loo jeedinayo Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Balse waxaan idinla wadaagayaa xaqiiqooyinka ku gadaaman eedeymaha loo jeediyay Wasiirka oo ahaa shakhsiga loogu necebyahay, hadda loogu neceb yahay, madax iyo minjaba, gudaha Dowladda sababaha hoos ku xusan iyo kuwa kale oo aan ka tagay awgood;

Wuxuu la kowsaday iyadoo dakhliga dowladda ay soo uruuriyaan shirkado ay leeyihiin siyaasiyiin ka tirsan Dowladda iyo ganacsato saaxiib la ahaa nidaamka. Dhammaan waa uu baabi’iyay, Wasaaraddiisa oo kaliya ayaana hawshii la wareegtay. 
Raggii qandaraasyadaas laga qaaday ayaa hadda doonayo inay mar kale dib u hantaan. Taasina waxay u maleeyaan inay ku suurta gali karto in Bayle laga reebo Xukuumadda soo socota. Aragtidaas waa mid raqiis ah sababtoo ah Bayle hadduu tago iyo hadduu joogaba lacag dambe oo ay dowlad leedahay shakhsi iyo shirkad toona qaadi maayaan, waayo nidaamka maaliyadeed ee dalka waa saldhigtay, dusha sare ayaana lagala socdaan.

Maadaama shaqo qorista la joojiyay iyadoo lagu saleynayo in marka hore la adkeeyo xuquuqda kuwa qoran, waxaa jirtay in Xafiisyada Sare ilaa Agaasime Guud in qof walba uu isku dayay inuu qorto shaqaale cusub, oo u badan masuul kasta beshiisa hoose. Shaqaalaas waa kuwa u baahan miisaaniyad cusub. Taasi waxay ka hor imaanaysay nidaamka dib u habeynta hay’adaha maaliyadda iyo ololaha dayn cafinta. Saaxiibadiisa xukuumadda oo idil waa ku kala dhinteen diidmooyinkiisa. Waa sababta maanta loo la’yahay qof ka difaaca dagaalka abaabulan ee ku socda.

Wasiir Bayle waa qof gacan adag oo loo dhiibay khasnad aysan ku jirin dhaqaale badan oo lagu kala furdaamiyo kharashaadka lagu socodsiinayo hawlaha Xukuumadda. Ma uusan lahayn xirfad iyo faham uu ku kala maareeyo dadka dhaqaalaha iyo qandaraasyada faraha badan usoo doonta. Qofkii kala hadla wax mushaar ka baxsan wuxuu kala hor iman jiray ‘Waxba kuuma heli karno ADEER. waraaqaha la noqo.’ Markii uu xilka wareejinayay Madaxweyne Farmaajo, waxaa jirtay dayn dhan $217,000 (Laba Boqol toddoba iyo kun) oo ay Madaxtooyadu gashay sanadihii 2018 iyo 2019, kuwaasoo u badan dib u dhiska Madaxtooyada iyo qalabaynteeda. Si kasta haddii la yeelay waa diiday. 

Bayle wuxuu kursigiisa xildhibaanno ku waayay markii uu jagada iyo saamaynta uu haystay uu ku hanan waayay dadkii gacanta ku hayay geeddi socodka doorashooyinka sida guddiyada iyo la-taliyeyaasha arrimaha doorashooyinka. Wuxuu ula dhaqmi jiray sidii inuusan waji ka lahayn qofna, go’aankiisuna wuxuu ahaa inuu kor ugu qayliyo ‘adeer mushaar ka badan ma awoodo.’ Waa qof farsamo yaqaan ah oo aan lahayn dareen siyaasi oo uu wax ku kala dabbaro, hadalkiisuna toos yahay oo aan laalaab iyo iska daba wareeg ku jirin. Odaygii jufadiisa ahaa ee ergada xulayay wuxuu igu yiri “Adeer kani waligey lacag kama helin, laakiin shaqada uu qaranka u hayo ayaan ku ilaaway wixii aan tabasho u qabay.”

Dagaalka hadda ku socdo inuusan isla xisaabtan shaqo ku lahayn waxaa daliil u ah oo aan markhaati ka ahay, Alle hortiisana aan la tagayaa, in dhawr jeer ay isku qabteen isaga iyo ragga ugu sarreeya Garsoorka oo ay Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Sare ay kamid yihiin, in dhaqaale qiyaastii kor u dhaafaya $2 milyan oo Doollar oo kasoo xarooda sanadkii gal-furka dacwadaha la keeno Mackamadaha uu diiday in helaan qeyb ay ku maamulaan xafiisyadooda, kuna shaqaaleysiiyaan garsooreyaal cusub. 

Gartaas waxaa dhawr jeer galay Madaxweyne Farmaajo waayo doodda Hay’adaha Garsoorka waxay ahayd mid maan-gal ah oo ku qotontay in garsoorka la hufo ay u baahan tahay in la qoro garsooreyaal iyo xeer ilaaliyaal cusub oo khibrad leh, taasna ay keeneyso inay ka fogaadaan laaluush haddii loo helo gunnooyin ku filan. Doodda Bayle iyaduna waxay ahayd maan-gal maadaama dakhli oo dhan hal  xisaab oo ka furan Baanka Dhexe lagu shubo (Single Treasury Account)  inaan dib looga soo saari karin oo ay lamid yihiin hay’adaha kale ee Dowladda. Haatan  raggii Hay’adaha Garsoorka haystay baa usoo dhoodhoobay eedeymo lagu dhantaalayo fursad kasta oo uu kaga mid noqon karo Xukuumadda cusub. Waa yaab!!!

Wasiir Bayle lama wada jeclayn, sida aan loo jeclayn qof MAYA MAYA MAYA kula soo hortaagan, laakiin Madaxweynihii uu ka hoos shaqeeyay wuxuu abaal uga hayay in madax adaygiisa lagu soo dhaafay xaalado adag, uuna ahaa marka Soomaalida laga dhex baxo, qof kasbaday sumcadda saaxiibada caalamka ee ka shaqeeya ololaha dayn cafinta iyo hufnaanta hay’adaha maaliyadda. Haddii uu ka leexan lahaa dhabbaha loo jeexay shaqadaas, lagama gudbeen shuruudihii adkaa ee horyaallay. Mushaarka shaqaalha iyo ciidamada lama bixiyeen haddii uu HAA yiraahdo wax walba oo kaga timaadda madaxdii ka sarreysay. Ugu yaraan, ma ahayn qof nacamleeye u ah dadka awood ahaan ka sarreeyay.

Labadii Ra’iisul Wasaare ee uu ka hoos shaqeeyay dhawr jeer ayay damceen inay xilka ka qaadaan sababo la xiriiro shaqadiisa iyo diidmooyinka tira beelka ah ee uu kala hortagay dalabyadooda. Wuxuu ku badbaaday taageerada uu ka haystay Madaxweynaha iyo kalsoonida uu ka helay Hay’adaha Caalamiga ah ee Maaliyadda Adduunka (IMF, World Bank & African Development Bank) oo u arkayay in xilka laga tuuro ay la micno tahay inaan Soomaaliya loo rabin in loo gudbiyo marxaladda labaad ee lagu dhammeystirayo dayn cafinta. 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee kamidka ahaa Barlamaankii 10aad ee hadda leh xisaab xir nooma keenin 4 sano maxay markii ay mid walba taagnayd waqtigeeda tallaabo uga qaadi waayeen? Maxay 2017, 2018, 2019 iyo 2020 shaqada uga fariisin waayeen? Sababtu waxay ahayd in Barlamaankii 10aad laftiisu uu ka gaabiyay shaqadiisa oo inta aan Wasiirka lala xisaabtamin ay ahayd inay iyaga is xisaabiyaan waayo duruufaha keenay in xisaab xir la keeni waayo ma ahayn wax ku xirnayd Wasiirka ee waa shaqa xumadii Barlamaankaas uu lahaa. Ogoowna in Guddoonka labada Aqal ee hadda u shirsan ansixinta Miisaaniyadda aysan wada shaqeyn lahayn 5tii sano ee tagtay. Iyagaaba isku haystay Miisaaniyadda ansixinteeda shaqo kuma laga Aqalka Sare iyo waan ku leenahay. Barlamaan aan mideysnayn muxuu ka qaban karaa xisaab xir iyo isla xisaabtan!

Ugu dambeyntii, waxaan kula talin lahaa Ra’iisul Wasaaraha cusub Mudane Xamse Cabdi Barre, haddii uu doonayo inuu meel isaga xiro damaca waalan ee boqollaalka siyaasi ee qandaraas doonka iyo dhaqaale doonka ah, inuu isaga dhigo gaashaan, Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Ri’du hadday isnuugto qoorta ayaa loo galiyaa agab ka ilaalinaya inay jaqdo naasaheeda. Hadda waxaan leeyahay, Bayle qoorta u gali kuwa aaminsan inay Dowladdu tahay Sacii naasaha badnaa ee qof walba naas godlan oo uu afka la galayay. Waayo xisaabtaba uguma jirto in sacaas uu ku godlan karo oo kaliya in BIYO iyo BAAD la siiyo. Dowladnimada waxaa biyo iyo baad u ah in dhaqaalaha loo adeegsado meesha ku habboon, lagana ilaaliyo kuwa doonaya inay musuqmaasuqaan.

Wasiir Bayle isagana waxaan kula talin lahaa maandhoow cad quureed ha qaadan. Haddii lagugu abaal marin waayay shaqadii muuqatay ee aad soo qabatay 5tii Sano ee lasoo dhaafay, iska naso. Waxaa hubaal ah in mar ay noqotaba la oran doono Duqii Bayle ahaa doona. Haddii dadkaagu kula garan waayeen dareenkaaga, ma waayi doontid cid ka faa’iideysata khibradaada, sidii shalayba aad ugu shaqeynaysay hay’ado iyo Bankiyo kale oo heer qaaradeed ah.

W/Q: Cabdinuur Maxamed Axmed

Agaasimihii horre ee madaxtooyada Soomaaliya


 

Category