Jig-jiga(RH)Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ( Cagjar) ayaa sheegay in ganacsiga u dhaxeeya Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uu aad sare ugu kacay isla markaasna ay rajaynayaan in ay kor u sii qaadaan.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH)Hal Qof oo Kalluumaysato ah, ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay raq iyo ruux, kadib markii uu ka dhacay laash nooca Kalluumaysiga ah oo ku jiray badda nawaaxiga Deegaanka Haddayta ee xeebta Galbeed oo ay dabeylo xooggan ka dhacayeen 48-kii saacadood ee la soo dhaafay.
Qodobo ka Soo Baxay Shir Uu Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka
Hargaysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.
Burco(RH)Deegaamo ka tirsan gobolka Daad-madheedh ayaa waxa dhibaato ku haya Ayax dhul-dageen ah, kaasoo xaaluf ku haya meelaha dhul-daaqsimeedka ah iyo dalagga Beeraha, isla markaana ku sii fidaya.
Ayaxan ayaa ah mid ka dilaacay Ugxaan uu deegaanka kaga tegay bilihii la soo dhaafay mar uu ku degay deegaamo kamida Gobolkaasi, sida ay Dadka deegaanku noo sheegeen.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo Aagga cashuuraha ka caaggan ee dekedda Berbera oo maanta lagu kala saxeexday Somaliland.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-387/122019 iyo JSL/XM/WM/222-388/122019 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada.
Waxaanay u dhignaayeen wareegtooyinka madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Hargaysa(RH)Xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE ayaa soo dhaweeyay muddo kordhinta golaha guurtida Somaliland shalay ay u sameeyeen golaha wakiiladda
Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi dheere oo ka hadlay muddo kordhinta Guurtidu u samaysay golaha wakiiladda, ayaa sheegay in muddo kordhinta loo sameeyay golaha wakiiladda Somaliland in u sabab u yahay xisbig Mucaridka ah ee WADDANI oo ay ka qabsoomi waayeen doorashooyinka wakiilada iyo goleyaasha deegaanka
Hargeysa(RH)Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid oo Goordhaweyd si wada jira u soo saarey War-Saxaafadeed ayaa qaadacay Wadashaqayntii Gudida cusub ee Doorashooyinka Somaliland oo maanta Golaha Wakiilada Somaliland 6 Xubnood oo ka mid ah Gudidaasi ay Ansixiyeen.
Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 43-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ahaa mid aan caadi ahayn oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu gorfeeyey hirgelinta nidaamka E-Government (Somaliland E-government system).
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda soo dhammaystiraan soo xulista xubnaha Cusub ee Gudida doorashooyinka Qaranka Somaliland , ka dibna uu Madaxweyne Biixi u gudbin doono golaha wakiilada toddobada xubnood ee uu u ansixiyo inay noqdaan guddida doorashooyinka qaranka JSL.
Pagination
- Previous page
- Page 13
- Next page