TOKYO (RH)—Orodyahan Cali Iidow Xasan oo Soomaliya ku matalayay oradka 15,00 Mitir ee cayaaraha Olombikada adduunka oo ka socda magaalda Tokyo ee waddanka Japan ayaa galay kaalinta 10-aad.
Cali Xasan ayaa ku orday 3:43.9, wuxuuna ka hormaray orodyahanno u dhashay dalalka Qatar, Poland, Equatorial Guinea, Brazil, Spain, iyo Morocco, waxaana tartankan kaalinta ugu horreysa ku soo baxay Kipsang Abel oo u dhashay Kenya, halka kaalinta ku xigta ee labaadna u soo galay Centrowitz Matthew oo u dhashay Mareykanka.
Cali Iidow Xasan waxa uu sameeyay bandhig wanaagsan oo muujinaya inuu yahay ciyaaryahan Orodka dalkeenna bilado u keenni kara mustaqbalka dhow.
Cali oo xero tababar ay geliyeen Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ku jiray tan iyo July 2017,gudaha dalka oo laba xero ah iyo dalalka Kenya iyo Ethiopia oo ah halka ugu tababarka ugu badan kusoo qaatay ayaa muujiyay natiijo ifafaalo wanaagsan muujinaysa.
Weriye Xuseen Maxamed Hadaafow, ayaa sheegay in Cali haddii uu heli lahaa Tartamo heer qaaradeed ah oo uu ka qeyb galo labadi sano ee lasoo dhaafay natiijadiisa heerkan way ka wanaagsanaan lahayd, waxaana qeyb kamid ah u sabab ahaa Covid 19 oo tartamo badan oo caalami ah hakiyay.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia