Khatka Kenya: Beeralayda Khatka oo fikir cusub helay kaddib markii ay ka quusteen Soomaaliya

Beeraleyda qaadka ee dalka Kenya ayaa wajahay khasaaro aad u badan dhowrkii sano ee la soo dhaafay, sababo la xiriira cudurka safmarka ee covid-19 waxaa intaa u dheer dagaalka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka deriska la ah Kenya sida Soomaaliya oo qaadka mamnuucay taas ayaan keentay in beeraleeyda Kenya uu walaac la soo darso. Qaadku wuxuu si gaar ah caan uga yahay bulshada soomaaliyeed.

Beeralayda ayaa isku dayayay inay qaadka badelkiisa abuurtaan gabal- dayaha saliidda laga sameeyo si ay nolol maalmeedkooda u helaan.

BBC-da oo booqatay magaalada Meru oo ah halka uu ka baxo qaadka ugu badan ee laga dhoofiyo dalka Kenya.

khaatka waa isha ugu muhiimsan ee dakhliga dadka deegaankaasi, balse khilaaf diblomaasiyadeed - xayiraadaha uu sababay Covid - 19 ayaa sababtay in beeraleyda aysan khaadkooda u dhoofin karin dalka Soomaaliya, halkaas oo dalagga ugu badan loo dhoofin jiray. Sidoo kale waxaa horaan looga mamnuucay Ingiriiska iyo dalal badan oo Yurub ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Loyce Gatwiri, waxay sanadkii la soo dhaafay weysay shaqadeedii macalinimada cudurka korona awgiis, waxayna go'aansatay inay dib ugu laabato tuuladii ay ka soo jeeday si uga mid noqoto 3,000 oo beeraley ah oo u weecday beerashada gabbaldayaha.

Loyce waa hooyo laba carruur ah haysta waxayna BBC-da u sheegtay in lacagta ka soo gasho beerta ay hadda gabbaldayaha ku abuurtay ay aad ugu baahantahay.

"Gabaldayuhu wuxuu faa'iido weyn ugu fadhiyaa bulshada beeratay. Xilli roobaadkii hore, qaadka dalka banaankiisa lama geyn karin, sidaasi darted haddii aad wada beeratid qaadka iyo galabdayaha, qaadkana lacag laga heli waayo, xilligaas waxa aad fursad u heysataa in aad lacag ka samaysid gabaldayahao." Ayey tiri Loyce.

Dadka u ololeeeya arriimaha deegaanka ayaa dhiiragelinaya beeraha isku dhafan ee noocan ah, koox ka shaqeysa wax ka qabashada cimilada ayaa dadka deegaanka ku dhiiri gelinaysa inay beeraan ubaxa si ay nolol maalmeedkooda u helaan.

Mithika Mwenda, waa Agaasimaha Fulinta ee Ururka Panafrican Climate Justice Alliance, wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay ku dhiirageliyaan inay beertaan waxyaala kala duwan sida ubaxa, khudaarta ama galayda intii ay kaliye ku tiirsanaan lahaayeen beerashada khat-ka.

"Marar badan, waxay beertaan galley, balse xilliyada kala wareega, roobab aan kala go 'lahayn, iyo guud ahaan isbeddel dhanka cimilada. Marka waxaan isku dayeynay inaan kala hadalno dalagyada beddelka ah ee aan keeni karno. Markaa waxaan ogaanay in ubaxa uu sifiican halkan ugu shaqeeynaayo." Ayuu yiri Loyce."

Shirkadda Bidco Afrika, waxay caawimaad siisaa beeraleyda inta lagu gudajiro abuurka iyo jarista dhirta, iyadoo lagu beddelayo iibsiga dhammaan dalagyada xilliga goosashada.

"Waxaan u maleynayaa inay arkeen suuq damaanad qaad u ah wax soo saarka. Waxaan ku dhahnay waanu damaanad qaadaynaa suuqa aad u baahantihiin inaad heshaan. Waxaan siineynaa qandaraasyo bilow ah. Ciddii dooneysa qoraal ahaan ayaan ku siineynaa, balse marka hore waxay u baahan yihiin caddeyn dhab ah si loo ogaado inaad wax iibsaneyso, taasina waxay noqotay mowqifkeena. Waxaan damaanad qaadnaa qiimaha ka hor intaanay beerin" Ayuu yiri Vimal Shah oo ah Gudoomiyaha shirkadda Bidco Afrika.

Abuurka gabal dayaha ayaa la jajabiyaa si looga soo saaro saliid loogu talagalay in lagu isticmaalo gudaha dalka loona dhoofiyo dibaddiisa.

Baahida loo qaba gabal-dayaha ayaa kor u sii kacaysa sida ay sheegeen warshadaha saliida soo saara.

Waxaana laga yaaba in baahidaas ay kor u sii kacdo gaar ahaan inta uu jiro cudurka safmarka ee Covid 19, sida ay sheegeen ururka caalamiga Euromonitor.

 

xigasho BBC

Category