Hargeysa(RH)Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa soo gabo-gabaysay samaynta siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah kobcinta iyo maamulka cudduda shaqaalaha Dawladda, Siyaasadahan iyo hageyaashan oo ay mudo badan soo socotay samayntoodu, ayaa waxaa madasha ka hadlay masuuliyiin iyo khubaradii gacanta ka gaystay diyaarinta siyaasadaha iyo hagayaasha lagu dhaqayo shaqaalaha dawladda Jamhuuriyada Somaliland halkaas oo ay ku bogaadiyey shaqaalaha kala duwan ee dawladda in rejo iyo iftiin u bilowday.
Cabdi Aadan Diiriye, Suleiman Jirde, Iid Cali Salaan iyo Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawladda Guleid Hagoog oo madasha ka hadlay ayaa dhamaantood xusay muhiimada siyaasadahani u leeyahiin; kor u qaadida shaqada, kobcinta shaqaalaha iyo xakamaynta loo shaqeeyaha.
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md Sharmaarke Axmed Muxumed oo madasha soo xidhay ayaa hadalo hambalyo, guubaabo iyo mahadcelin isugu jira madasha ka jeediyey isaga oo xusay in ay maanta guulaysteen shaqaalaha dawladdu maadama ay yeesheen siyaasado iyo hagayaal wax badan ka tari doona shaqada ay qaranka u hayaan isaga oo dhankiisa xusay in ay qaranka maanta kow u tahay helitaanka adeeg bixiyeyaal ku qalabaysan hab iyo hannaan wanaagsan
Siyaasadaha iyo hagayaasha loo sameeyey shaqaalaha dawladda ayaa kala ahaa.
1- Siyaasadda Shaqo qorista, Xulashadda iyo magacaabida Shaqaalaha Dawladda
2- Siyaasadda Anshaxa iyo hab-dhaqan wanaaga Shaqaalaha Dawladda
3- Siyaasadda iyo habka Dalacaaddaaha, bedelista, ergiska iyo Jiheynta shaqaalaha Dawladda
4- Siyaasadda Unkida Ilaalinta Qaabdhismeedka Hay’adaha Dawladda
5- Siyaasadda, maamulka iyo Anshaxmarinta Shaqaalaha, Dawladda
6- Siyaasadda Fasaxyadda Shaqaalaha Dawladda
7- Siyaasadda Maareynta Kaydka Xogta Shaqaalaha Dawladda
8- Siyaasadda Maareynta Cabashada iyo -tabashooyinka Shaqaalaha Dawladda
9- Siyaasadda Hanashadda Shaqaalaha Dawladda
10-Siyaasadda iyo habka aasaasida iyo Baabinta Xafiis-yada shaqo
11-Hagaha Qiimeynta Hawl-qabadka iyo Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda
12-Hagaha Kartida Kaalin Shaqo
13-Hagaha Tilmaanta iyo Tusaaleynta Shaqaalaha Dawladda
14-Hagaha Tababarka iyo Tayeynta Shaqaalaha Dawladda
15-Hagaha Hannaanka Koboca iyo Horumarinta Shaqaalaha Dawladda
16-Hagaha Qorshaha Carbinta iyo laylinta Shaqaalaha Dawlada
Isku soo wada duuboo siyaasadahan iyo hagayaashan ayaa noqon doona markii ugu horaysay ee tan iyo 1996-kii loo sameeyo shaqaalaha dawladda JSL halkaas oo ay meesha ka saari doonto murano badan oo marmar soo kala dhex gela shaqaalaha dawladda iyo madaxda hay’addaha dawladda sida oo kalena shaqaalaha dawladda siin doonta xuquuq waxa ay leeyihiin halka ay farayaan waajibaadka shaqo iyo anshax ee looga baahan yahay shaqaalaha dawladda